Dilal ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal iyo saraakiil ciidan waxaa Salaada maqrib kadib kooxo hubeysan ay dagmada Yaaqshiid ku dileen Xasan Maxamuud Taakow (Macalin Shabeeloow) oo ahaa Guddoomiye Laameed ka tirsan maamulka dagmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

kooxda dilka geesatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen,inkastow dilka kadib ay ciidamo gaareen halka lagu dilay gudoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka dagmada Yaqshid.

dhanka kale waxaa duleedka magalada Muqdisho gar’ahaan meel ku dhow deegaanka Ceelasha Biyaha lagu dilay Nabadoon C/laahi Kabaweyne oo kamid ahaa ergadii xildhibaanada ku soo dooratay maamulka Galmudug.

ciidamada dowlada ayaa wali wada baaritaano laxariira dilalka siyaabaha kala duwan u dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media