Kooxo hubeysan ayaa Goordhow Gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho waxaa ay u sheegeen in dilkan uu ka dhacay Suuqaweyn ee Degmada Wadajir, isla markaana waxaa Askari lagu toogtay xili uu ku sugnaa halkaas.
Sidoo kale ragii ka dambeeyay falka oo ay gaarayay ilaa Saddex ruux ayaa isku dayay inay goobta ka baxsadaan, hayeeshee Askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo xiligaas goobta ka Adhaweyd ayaa rasaas ku furay, iyagoon markii dambe gacanta ku dhigay raggaas.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidanka ay qabteen laba ruux oo fulisay dilka, halka mid saddexaad oo la socday uu baxsaday, waxaana haatan Degmada Wadajir ka socda howlgal lagu raadinayo ruuxa baxsadka ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dadka shacabka ah, waxaana inta badan Mas’uuliyooda sheegta Al-shabaab.