Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ka dhacay Boosaaso iyo Khasaaro ka dhashay

Wararka aan ka heleya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Koontarool laga soo garo Magaalada uu ka socdo dagaal xoogan, kaasi oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa Maleeshiyaad ah oo hubeysan.

Dadka deegaanka Boosaaso ayaa sheegaya in dagaalkan uu yahay mid xoogan, isla markaana la isku adeegsado hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana labada  ciidan ay isku hor-fadhiyaan Koontaroolka laga soo garo Boosaaso.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in dagaalka uu salka ku haayo muran ka taagan  maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan Ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Sidoo kale  dagaalka ayaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegayaa inuu ku dhintay Taliyihii Koontaroolka Boosaaso, waxaana ku dhaawacmay laba Askari oo labada dhinac ah.

Ciidanka la dagaalamaya kuwa Puntland ayaa ah Maleeshiyaad ah hubeysan oo ka yimid dhanka Magaalada Carmo ee Gobalka Barri, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Punland oo ku  aadan dagaalka ka socda weli Koontaroolka laga soo garo Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media