Muwaadin Soomaali ah oo COVID-19 ugu geeriyooday Koonfur Afrika  

Allaha u naxariistee waxaa xalay Isbitaalka ku yaalla Magaladda Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ku geeriyooday Muwaadin Soomaaliyeed oo uu ku dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaanay Maxamed Khadar, isagoo maalmihii lasoo dhaafay uu la xanuunsanayay Cudurka COVID-19 oo ku dhacay, wuxuuna ugu dambeyn ugu dhintay Isbitalka Stevebiko.

Qaar kamid ah Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Maxamed Khadar uu kamid noqday Muwaadiniin Soomaali ah oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday dalkaas.

Sidoo kale Khadar ayaa waxaa uu ahaa Darawal kaxeeyn jiray gaadiidka ka shaqeeya gudaha dalka Koonfur Afka, isagoo halkaas ku noolaa muddo dheer, waxaana Meydkiisa lagu aasi doonaa qabuuro ku yaalla Magaladda Pretoria .

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sameeyn ballaaran ku yeeshay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana uu ku dhacay 215,855 qof, isla markaana waxaa uu halkaas Cudurka ugu geeriyooday 3,502 qof.

Comments
Loading...