Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa Caawa qeybo ka mid ah degmada Warta-Nabada ee gobolkaan Banaadir waxa ay ku dileen mid ka mid ah Ergadii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku soo doortay Magaalada Cadaado.
Dilkaan ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafada Xamar Bile ee degmadaasi Warta-Nabada,waxana Marxuumka la dilay Magaciisa lagu sheegay sheegay Axmed C/qaadir Xuseen,xili uu ka soo baxayay mid ka mid ah Garaashayda ku yaalla Xamar bile la dilay.
Dilka ka dib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ku waas oo sameeyay howlgallo baaritaano ah iyagoo ku raad jooga dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ku soo badanayay dilalka Ergooyinkii xildhibaanada ku soo doortay Xarumaha Maamul Goboleedyada,waxaana mudo 24 saac gudahood Muqdisho lagu dilay in ka badan 4 Ergo.
Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa weli waxa ay howlgallo ka wadaan gudaha Magaalada Muqdisho,ku waas oo siweyn u xaiijinaya dhanka amniga balse waxaa barbar socda dilalka qorsheysan.