Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo khamiis ah Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas ka bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug, kuwaasi oo lasoo gudbiyey.
Guddiga doorashada ayaa diiwaan-gelin doona Afar Musharax oo ku tartamaya labada kursi ee ka harsan Aqalka Sare ee Maamulka Galmudug, waxaana Musharaxiinta kamid ah Cabdi Xasan Cawaale Qeydiib oo Afartii sanno ee lasoo dhaafay Senator ahaa.
Guddiga ayaa sidoo kale diiwaan-gelinaya Musharaxiinta kala ah Cawil Nuur Cali oo la tartamaya Cabdi Qeybdiid, halka kursiga labaad ay u sharaxsan yihiin Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed, kuwaasi oo uu soo saaray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug ayaa sida uu qorshahu yahay lagu wadaa inay dhacdo maalinta sabtida ah ee soo socota oo ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa noqonaya Maamulka ugu dambeeya ee dhameystira doorashada Senatorada Aqalka Sareee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kal hore dhameystiray doorashada Aqalka sare maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed…