Kumannaan qof ayaa laga daad gureeyay qeybo ka tirsan Caribbean-ka iyo koofurta Mareykanka, iyadoo laga digayo in labo duufaan ay halkaasi ku wajahan yihiin.
Duufaannada Marco iyo Laura ayaa wata dabeylo xooggan, kuwaas oo waxyeello ka geystay dalalka Haiti, Cuba iyo Jamhuuriyadda Dominica. Roobab xooggan ayaa sidoo kale ka da`ay Puerto Rico oo Mareykanka ka tirsan.
Duufaanta Marco ayaa maanta laga cabsi qabaa inay dhul go` ka geysato gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka, iyadoo Laura laga baqayo inay Khamiista ku dhufato Texas.
Balse kooxda saadaasha hawada ayaa sheegay in laga yaabo in duufaanta Laura ay ka soo kacdo bariga kaddibna ku dhufato Louisiana, waxayna noqon kartaa markii ugu horreysay ee gobolkaas ay hal mar ku dhuftaan labo duufaan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xaalad musiibo ay ka taagan tahay, isagoo amray in gargaar lala gaaro. Sabtidiina, go`aan kaas la mid ah ayaa laga soo saaray Puerto Rico.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay Jamhuuriyadda Dominica iyadoo Laura ay saameyn ku yeelatay dalkaas, in ka badan hal milyan oo qof ayaana koronto la`aan noqday.