Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay dhigiisa Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Garowe ku yeelanaya Shir wadatashi oo ku saabsan xaalada siyaasadda iyo doorashada ka dhaceysa dalka dhamaanka sanadka 2020/2021.
Labadaas maamul ayaa ka qeyb gelin Shirkii dhawaan Madaxweyne Farmaajo, qaar kamid ah Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo heshiis looga gaaray Doorashada dalka.
Jubbaland iyo Puntland ayaa caddeeyay inay ka horjeedan qodobadii kaso baxay Shirkii Madaxda, iyagoona sheegay in Dowladda ay fulin weyday heshiisyadii shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2.