Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho ayaa maanta dardaaran ujeediyay Ciidamada Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga, waxaana Taliyihu uga digay Ciidamada Qalabka sida, si gaar ah qeybta 27-aad inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda dalka.
Jeneraal Maxamed Tareedisho ayaa u sheegay Ciidamada inay u shaqeeyaan qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimaya qaranimada iyo dowladnimada dalka, sidoo kalena looga baahan yahay in aysan faragelin Siyaasadda
Sidoo kale Ciidamada ayaa waxaa la faray inay ka digtoonaadaan inay taageeraan Musharaxiinta Golaha Shacabka ee doonaya kuraasta taalla Magaalada Baladweyne, iyagoo isticmaalaya diriiska Ciidamada qalabka sida.
Kormeerkaan oo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho ugu tegay Ciidamada Guutada 5-aad ee ka tirsan qeybtaas, ayaa waxaa ku wehlinaayay Taliyaha Guutada 5-aad Korneel Baakay iyo Saraakiil ka tirsan qeybta 27aad ee XDS.
Digniinta loo diray Ciidamada qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maalmaha soo socda la filayo in Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka bilaabato doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaaladaas.