Waxaa Maanta Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka bilaabatay doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaano doorashadoodu tahay Baraawe.
Kursiga koowaad tirsigiisu yahay Hop-165 ee doorashadiisa Maanta ka dhacday Baraawe ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Saalim Caliyow Ibrow iyo Aadan Cusmaan Xasan, waxaana kursigaas kusoo baxay oo ku guuleystay Saalim Caliyow.
Musharax Xildhibaan Saalim Caliyow ayaa waxaa uu helay Codad gaaraya 70 Cod, halka Musharaxii la tartamayey isna uu helay 15-Cod, sida Natiijada ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Koonfur Galbeed, iyagoona sheegay inuu guuleystay Saalim.
Doorashada kuraas kale ayaa ka socota Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo Maanta loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada 7 kursi oo ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ammaanka Magaalad ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidamo Boolis ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya geeysay halkaas, Booliska AMISOM iyo Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed.