Dibadbaxyo xooggan oo weli ka socda Laascaanood & Internet-kii laga jaray Magaalada

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa maalintii 8-aad oo xiriir ah ka socda banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan dadka deegaanka oo ay uga soo horjeedan Maamulka Somaliland  iyo dilalka qorsheysa ee ka dhaca magaalada.

Somaliland ayaa amartay in lajaro xariirka Isgaarsiinta, gaar ahaana khadka Internet-ka, si aan loo tabin dhacdooyinka magaalada, dadka wada banaanbaxyada ayaa waddooyinka ku gubaya taayaro, iyaga oo sidoo kale ku xiray biro iyo dhagxaan.

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa la sheegay in gabi ahaan jartay adeeggii Internetka, waxaana kaliya shaqeenaya telfoonka wacitaanka caadiga ah, waxaana hawada ka maqan inta badan internetkii laga isticmaali jiray Laascaanood.

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Laascaanood, iyadoo ay Dhalinyarada banaanbaxaya awodooda iskugu geynayaan in dareenkooda ay muujiyaan, kana hortagaan damaca Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor