Guddoomiye Madaale “Dadka Muqdisho canshuur ayaa laga qadaa hadana looguma adeego”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay dhibaatooyin heysta dadka kunool caasimadda Muqdisho, kadib markii xalay uu khudbad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Guddoomiye Madaale ayaa waxaa uu sheegay in shacabka kunool Muqdisho laga qaado mar kasta canshuur, isla markaana ay wajahayaan culeysyo, maadaama sida uu sheegay in aan loogu adeegin siidii loo baahnaa canshuurta laga qaado shacabka.

Wuxuu tilmaamay Guddoomiye Yuusuf Madaale in dhibaatada heysata bulshada ay kamid yihiin Waxbarasho  iyo Xarumo Caafimaad oo lacag la’aan ah, isagoona xusay in aan loo baahneynin oo kaliya in canshuurta kusoo uruurto mushaar.

”Dadka canshuur ayaa laga qadaa hadana looguma adeego,culeyska Umadaan heysto waxaa kamid ah maheystaan Waxbarasho iyo Isbitaalo lacag la’aan ah cidii keeni laheydna waa dowlada” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo intaas sii raaciyay in shacabka loo baahan yahay in wax loo qabto.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in shacabka ay xilligaan go’doon ugu jiraan amni darro iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, Maamulka Gobolka ayaan xalay ansixiyey miisaaniyadda Maamulka ee sanadka cusub ee 2023.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: