Ciiddanka sida degdega u hawlgala ee SRF ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto kala cayriyeeen Dibadbaxayaashii fadhin jirey afaafka hore ee Xarumaha Dhexe ee Taliska Milliteriga dalkaasi oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Khartuum.
Guddiga Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ee CCSD ayaa sheegay in 3 qof oo ka mid ah Dibadbaxayaasha saakayto lagu dilay rasaas ay Ciiddanka ku kala cayrinayeen Dibadbaxayaasha, iyadoo tirada guud ee Dibadbaxayaasha geeriyootay ay gaarayaan ilaa 5 qof.
Dhinaca kale, mid ka mid ah Hoggaamiyayaasha Dibadbaxyadda oo lagu magacaabo Madani Cabaas Madani iyo dhowr qof ayaa lagu dhaawacay tacshiirada lagu kala cayriyey Dibadbaxayaasha, iyadoo Ciiddanku la wareegeen inta badan Fagaarihi ay Dibadbaxyaasha fariisan jireen.
Dhinaca kale, Isbahaysiga Xorriyadda iyo Isbedelka iyo Guddiga Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ee CCSD, waxayna ku eedeeyeen Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi inay geysteen waxa ay ugu yeereen Xasuuq.
Safaaradda Maraykanka ku leedahay dalka Suudaan waxay sheegtay inay waajib tahay inay Ciiddanka Ammaanka Suudaan joojiyaan weeraradda ka dhanka ah Dibadbaxayaasha iyo Rayidka kale.
Qoraal ay Safaaraddu soo dhigtay Barta Twitter-kooda waxay ku sheegtay inay Golaha Milliteriga haya talada dalkaasi ee TMC qaadi doonaan mas’uuliyadda arrintaasi
Maalmo ka hor, waxay Golaha Milliteriga Suudaan ee TMC sheegeen in fadhiga Dibadbaxayaasha ee Taliska Milliteriga khatar ku yahay Ammaanka dalka, isla markaana ay tallaabo ka qadai doonaan dhaqdhaqaaqyadda aan sharciga ahayn.
Warar hataan soo dhacay waxay sheegayaan inay Ciiddanka sida degdegga u hawl-gala iyo boliska weerareen Isbitaalka Royal Care Hospital, isla markaana ay gubeen Tendhooyinkii Dibadbaxayaasha ka dhisteen Xarumaha Taliska Dhexe ee Milliteriga ee dalkaasi.