Aadan Cabdi Faarax kala Dire oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Xoogan Dalka Soomaaliya howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka bilaabi doonaan halkaasi
Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo shir Jaraa’id warbaahinta Maanta ugu qabtay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan howlgalo ka dhan Al-shabaab laga bilaabi doono deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Xildhibaanka in ay doonayan in Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Hiiraan ay saaraan,isla markaana sheegay Ciidamada ay ku howlgeli doonaan ay yihiin Ciidanka Xooga iyo kuwa Macwiisleyda ah ee ku sugan Gobolkaas.
Isaga oo sii hadlayay Adan Cabdi Faarax kala Dire ayuu Golaha Wasiirada Hirshabeelle Xildhibaanada iyo maamulka Gobolka ugu baaqay inay ka qeyb gaataan howlgalka ka bilaabanaya deegaanada Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa uu Maamulka Hirshabeelle ka codsaday in la qalabeyo Ciidamada Macwiisleyd ah ee dagaalka kula jira Al-shabaab,wuxuuna ka dalbaday AMISOM inay garabsiiyaan Macwiisleyda.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax kala Dire.