Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya,waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkaasi.
Dagaalka oo ah mid u dhexeeya Beelo walaaalo ah oo Gobolkaasi wada dega ayaa ka dhacay Deegaano dhaca dhanka Koonfureed ee Degmada Balanbale ee Gobolka galgaduud, waxaana jira Khasaaro baahsan oo soo kala gaaray labada dhinac.
Wararku waxaa ay tilmaamayaan in 7 ruux ay ku dhinteen, waxaana dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen tiro intaas ka badan, waxaana dagaalka xooggiisu uu ka dhacay koofurta Degmada Balanbale ee Gobolka galgaduud.
Dadka dhintay ayaa kasoo kala jeeda labada Maleeshiyo Beelood oo sanado badan, deeganadan ku dagaalamayey ,waxaana sidoo kale la gubay 15 Guri oo ay daganayeen Dad Xoolo dhaqato ah, sida ay inoo xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.
Dagaalkaasi Khasaaraha badan dhaliyay wali maamul Goboleedka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada kama aysan Hadlin, waxaana inta badan degaanada Hoos yimaada Degmada Balanbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud kusoo laa-laabta dagaalada noocaas oo kale ah ee beelaha dhex-mara.