Xaallad Abaar iyo Macluul Daran ayaa sannadkan ku habsaday inta badan Goballadda dalka, iyadoo ay Dad iyo Duunyo u geeriyoodeen Xaalladahaasi.
Haddaba, qaar ka mid ah Ardayda dhigata Dusgiyadda ku yaalla magaalladda Muqdisho ayaa ka danqaday Macluusha Daran ee soo food saartay Malaayiin qof oo Soomaali ah.
Ardaygaasi danqashadda muujiyey waxay bilaabeen inay iska soo ururiyaan hadba wax raashin ah ay awoodaan si ay ugu deeqaan dadka ku macluulsan Goballadda dalka.
Tallaabadaasi ayaa ah mid Ku-dayasho mudan, iyadoo loo baahan yahay inay Shaacbka iyo Dowladda u sara kacaan sidii loo kaalmayn lahaa Dadka Macluusan ee khatarta ugu jira inay gaajo u geeriyoodaan.
Sidoo kale, Dadka ururinayo Deeqaha gudaha iyo Dibedda laga soo dhiibayo waxaa la gudboon inay si daacad leh u gaarsiiyaan dadka Tabaalaysan, ee aysan Deeqaha loo dhiibay u arkin Fursad ay Maalin Taajir ku noqon karaan.
©Radio Dalsan