Waxaa Maanta Taaladda Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Banaanbax ka dhigay boqolaal dhalinyro ah, kuwaasi oo ka cabanayay fal Musuq-maasuq ah oo lagu sameeyay.
Qaar kamid ah dhalinyarada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen inay shaqo Askarnimo ah u raadsadeen Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, hayeeshee loola dhaqmay si aan wanaagsaneyn.
Waxaa ay sheegeen dhalinyaradaaas in ay cabasho ka yihiin lacago diiwaan-galin sharci darro ah oo looga qaaday Xarumaha Nabadsugida ee ragga laga qoro, kadibna loo qabtay ballan muddo dheer ah, si ay u sugaan Jawaabo wicitaano ah, iyagoona xiligaas laga qaaday Sawirro iyo dukumiintiyo kale.
Intaas kadib ayay dhalinyarada Banaanbaxa dhigay ay sheegeen in lasoo wacay oo lagu wargeliyay in Xarumaha tagaan, kadibna waxaa dhalinyarada dhex-dooda la xushay 20 qof, inata kalena lasoo eryay, waa ay sheegeen dadkaas.
Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in dhalinyarada qaarkood loola dhaqmay si aan wanaagsaneyn, kadib markii kala eryintooda loo adeegsaday gaari oo soo gaareen dhaawacyo, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka socotay Taliska Booliska ayaa dhalinyaradaas ugu tegay Taaladda daljirka Daahsoon ee Boondheere, iyagoo u sheegay in cabashooda loo gudbin doono Madaxda dowladda Federaalka.