Somaliland oo Maanta shaacisay Kiisas Cusub oo COVID-19 ah

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Manata oo Tallaado shaacisay inay diiwaan-gelisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoona uu Cudurka u muuqdo mid kusii faafaya degaanada Maamulkaas.

Warbixinta maalin la’ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka saacadihii lasoo dhaafay laga helay 15 Qof, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Dadka laga helay Cudurka oo isugu jira 10 oo rag iyo 5 Dumar ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin Burco 6 qof, Gabiley oo ah 1 qof iyo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ay joogaan 8 qof.

Waxaa xanuunka ka bogsaday 7 qof, taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay COVID-19 ee Somaliland ka dhageysa 113, halka ay dad kale oo badan ay Cudurka ugu geeriyoodeen halkaas.

Somaliland ayaa wada dadaalo kala duwan oo ku xakameyneyso faafida Cudurka COVID-19, waxaana Guddiga Maamulkaas u qaabilsan ka hortega Cudurka ay dadka ugu baaqeen inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media