War Murtiyeed”Dhuusamareeb ayaa Lagu Qabanayaa Shirka Maamul Sameynta”

War Murtiyeed laga soo saaray Wajiga Hore Ee Shirka Maamul u sameynta Goboladda Dhexe Dalka ayaa lagu shaaciyay in Wajiga Labaadna lagu qaban doono Isla Magaaladda Dhuusamareeb 25 Bishan Maarso.

Hore waxa loogu balansanaa in lagu qabto Wajiga Labaad Ee Shirkan Magaaladda Cadaado Ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Hore shaaciyay in Wajiga Labaad Ee Shirkan Maamul sameynta lagu qaban doono Magaaladda Cadaado.

War Murtiyeedka oo Xalay la soo saaray waxa ku saxiixan Sagaal Oday Dhaqameed oo mid kasta uu ka soo jeeda Beel gaar ah.

Waxa sido kale lagu Cadeeyay War Murtiyeedkasi in la dhiso Guddi ka kooban 21 Xubnood iyo 510 Ergo oo shirka ka qeyb gali doonta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor