Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir Siciid C/qaadir Siciid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada nin iyo Gaariga Dameerka ay Alaabta ku wateen lagu soo qabtay hawlgal ay saaka Ciidamada ammaanka ka sameeyeen Xaafada Via-Roma ee Degmada Xamar Weyne.
Waxa uu sheegay in Gaari Dameerka ay saaran yihiin Alaab ay ka mid yihiin Caano Boore,Shampoo,Dacas iyo Raashinka nuucyadiisa kala duwan,wuxuuna tilmaamay in loo malaynayo iney Alaabta ka soo dheceen Dukaan.
Halkaan ka dhageyso.