Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo Sharci ka soo saartay ka Ganacsiga Gaadiidka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faah faahin ka bixiyay sharci Wasaaradu ka soo saartay sumadda Gaadiidka.

Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka xukumadda Soomaaliya oo ka duulaysa Amniga Dalka aya sharci ka soo saartay Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada xukumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa dadaalo xoogan ugu jirta dhaqan galinta adkeynta sharciyada Gaadiidka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka jawaabeen Ganacsatada ka Shaqeysata Gaadiidka oo markii hore dhibaato ku qabay kala iibsiga Gawaarida.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaadiidka iyo duuliska Hawada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media