Dhageyso:-Dad loo qabtay Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose

Xalay ayaa waxaa qarax khasaaaro geystay waxa uu k dhacay duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose qaraxaas oo Maamulku ay sheegeen in Gaari dad Shacab ah ay saarnaayeen uu qabsaday kun geeriyoodeen laba ruux.

Ciidamada dowladda ayaa goobta gaaray kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano ah si ay u soo qabtaan dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Bare Maxamed Jeex ayaa Dalsan u sheegay in howlgalka ciidamada ay sameeyeen lagu soo qabtay saddex ruux oo looga shakiyay in ay ku lug leeyihiin qaraxaas kuwaas oo ay hadda baaritaano ku hayaan.

Dhinaca kale waxaa jiray dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka degmadaas kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Baraawe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media