Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda fedraalka Somalia ayaa kor meer waxa ay ku tageen deegaanadii la dejiyay xujeyda Soomaalida ee sanadkaan waxaana ay masuuliyiintaan tilmaameen in la dayacay Xujeyda.
Ku dhwaad 4-shirkadood ayuu sheegay wasiir ku-xigeenka awoqaafta iyo arrimaha diinta in ay si cad u dayaceen in ay si hagaagsan ugu adeegaan Soomaalida xajinaysa oo masuuliyad gaara ay ka saarneed.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta ayaa tilmaamay in lala xisaabtamayo shirkadahaan maalin aan maanta aheyn sida uu hadalka u dhigay,waxaa uu intaas sii raaciyay in aysan sax aheyn xujeydu in ay raacaan basaska iyada oo aysan ka horeyn biyo iyo cunno intaba.
Halkaan Ka Dhageyso Codka