Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Md Cismaan Afgaab ayaa waxaa uu ka hadlay kulan dhawaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ku dhexmaray Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiramaan Cabdishakuur Warsame.
Md Cismaan Afgaab oo shir Jaraa’id warbaahinta Maanta ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Kulmiye iyo Cabdishakuur Warsame kulan yeeshaan,hayeeshee ay dhacday marar badan oo horey in kulamo yeesheen.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayuu sheegay in Magaalada Hargeysan uu yimaado Taliyihi hore ee Ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Sanbalooshe,isla markaana Mas’uuliyiinta Xukuumadda Somaliland ay kusoo dhaweeyaan Garoonka ayna Hargeysan ka dejiyaan Hotel.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay Md Cismaan Afgaab in Somaliland iyo Cabdullaahi Sanbalooshe iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan.
Sikasta Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa Dhawaan kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,kaasi oo looga hadlay ay kamid ahaayeen wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo arrimo kale oo labada dhinac qaas u ahaa.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani.