Akhriso:-Jubbaland oo si kulul uga Jawaabtay Go’aankii Xukuumadda Soomaaliya

Kadib markii xalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dib u heshiinsiinta Xukuumadda Soomaaliya ay soo saaray  habraaca Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa Go’aankaas ka hor yimid dowlad Goboleedka Jubbaland.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Jubbalad diyaar u tahay inay qabato Doorashooyin ku dhaca hanaan xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Warqadii xalay ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku tilmaamtay mid dowladda Federaalka ay ku dooneyso inay faragelin ku sameeyso Doorashooyinka Jubbaland sidii horey ugu dhacday qaar kamid ah dowlad goboleeedyada oo kale ayna ka dhatay khasaaro Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed intaba.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland.

Comments
Loading...