Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cabasho ka keenay in aan lagu darin Xubnaha Aqalka Sare guddiga gurmadka dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga ee Xukuumaddu Magacaawday.
Guddigaas ayaa waxa uu ka kooban yahay 22 Xubnood,waxana gudoomiye u ah Raรขโฌโขiisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Sanetor Maxamed Cusmaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa sheegay in uula yaabanahay รย waxa Xildhibaanada Aqalka Sare looga reebay in ay ka mid noqdaan Guddiga gurmadka dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga.
รขโฌลXaqiiqdii guddiga gurmadka qaranka waxa ku jira xidlhibaanada golaha Shacabka,culumaรขโฌโขudiinka iyo Bulshada rayidka laakin hal xubin oo Aqalka Sare kuma jirto,runtii raรขโฌโขiisul wasaare ku xigeenka maalin dhaweyd markii uu baxayay Garoonka ayaan joogay laakin waa leyga tegay xildhibaano golaha Shacbaka ayaa la waday ayuu yiri Sanetor Maxamed Cusmaan.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalma kahor waxa ay magacaawday guddiga gurmadka dadka uu saameeyey fahadaha wabiyada,waxana guddigaas ay tageen magaalooyinka Baladweyne iyo Baardheere ee Gobolada Hiiraan iyo Gedo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sanetor Maxamed Cusmaan.