Waxaa Maanta si rasmi ah u furmay Kal-fadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Muddooyinkii dambe fasax ku jiray.
Senator Iftin Xasan Baasto oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex jira labada Aqal ee Baarlamaanka,isla markaana eedeeymo u jeediyay Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa uu sheegay Senator Iftin in Nasiib darro ay tahay in Madaxweyne Farmaajo uu imaan waayo furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Aqalka sare,isagoo xusay inuusan sharci u laheyn in Maanta fadhiga uu furo Ra’iisul Wasaare Kheyre,kaasi oo Wakiil ka dhigtay Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayuu ugu baaqay Senator Iftin Xasan Baasto in uu xilka iska Casilo,kadib markii uu fashilmay in uu xaliyo khilaafka ka dhex jira labada Golle ee Baarlamaanka.
“Ra’iisul Wasaare Marti ahaan ayuu u yimid kulanka balse Kaabba-galaasnimadiisi ayuu la yimid Aqalka,Madaxweyne Farmaajo, waxaan nasiib darra ah inuu xallin-waayo khilaafka labada aqal,xaaladda dalka waad ku fashilantaye is Casil ayaan ku leeyahay Madaxweyne”ayuu yiri Iftin Xasan Baasto.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo wakiil ka ah Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee aqalka sare,iyadoona Khilaaf xoogan oo ka dhex jiro labada Aqal ee Baarlamaanka.
Hoos ka Dhageyso Codka Senator Iftin Xasan Baasto