Kadib markii shalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu magacaabay Guddi ku meel gaar ah oo soo diyaariya sharciga Doorashooyinka Qaran ayaa waxaa magacaabistaas ka hor yimid Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa waxaa uu sheegay in Guddigaas uu Magacaabay Guddoomiye Mursal uu yahay mid sharci darro ah,isla markaana aan waafaqsaneyn Dastuurka dalka.
Sidoo kale Xildhibaan Jeesow ayaa waxaa uu sheegay in Guddi markii la rabo in la magacaabo, meel aan Guddi kale ka jirin loo magacaabo,isagoona Tusaalle u soo qaatay Kiiskii horey u dhacay ee Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax iyo kuwo kale.
Isaga oo sii hadlaayay Daahir Amiin Jeesow ayuu tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ay ku shaqo leedahay Magacaabista Guddiga soo diyaariya sharciga Doorashooyinka Qaran,isla markaana si sharci darro ah u magacaabeen Guddoonka Golaha Shacabka.
“Xitaa hadii aan nafteyda ku weynaayo marna ma Aqbali doono in la Meel mariyo Guddi Sharci daro ah oo Dano gaar ah laga leeyahay”ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Sikastaba halka Xildhibaan Jeesow ayaa waxaa uu ku soo aadayaa,iyadoo shalay Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu Magacaabay Guddi ku meel gaar ah oo soo diyaariya sharciga doorashooyinka Qaran, kaas oo ka kooban 15 xubnood.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow