Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka mid ahaan jiray Baarlamaankii 9,aad oo Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Isbitaalka Madiina ayaa ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalad Muqdisho.
Waxa uu ugu baaqay Masuuliyiinta laamaha amniga in ay is casilaan ama hadii ay is casili waayaana Madaxda dalka ay xilka ka qaadaan.
“Dadka madaxda ka ah Hay’adaha amniga ma ahan dadkii mudnaa waxa lagu geeyay reer hebel ayaa xanaaqaya saasna wax amni ah kuma sugmayo,madaxda dalkana yeysan ku faanin ay ay amniga sugeene waa in ay wax ka qabashada amnidarada u soo jeestaan ayuu yiri Cabdi Barre Jibriilâ€
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyed in ay gacmaha isqabsadan.
“War reer hebel waxba ma tareeysee war Shacaboow gacmaha isqabsada oo waxkasta oo amnidaro keni kara ka hortaga, madaxdana haka daayaan xilalka ay ku bixinayaan saaxiibtinimada ayuu hdalkiisa sii raaciiyayâ€
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Cabdi Barre