Dhageyso:-Xil.Mustaf Dhuxulow”Ciidamo Millateri ah ayaa dhibaato ku haya Shacabka Deeyniile”

Xildhibaan Mustaf dhuxulow oo ka mid ah mudayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ku nool degmada deeyniile ay dhibaato kala kulmaayan ciidamo Millateri ah oo ku sugan degmadaas.
Waxa uu sheegay in degmada kaliya ee Gobolkan Banaadir ay degan yihiin Ciidamo Millateri ah ay ka jirto deeyniile taasina aysan aqbali karin.

“Degmada Deeyniile waxaa degan ciidamo Millateri ah waana degmada kaliya ee Gobolka Banaadir ay ka joogaan hadii aan nahay xildhibaanada ma aqbaleyno,go’aan ayaan ka qaadaneynaa,waayo dhibaato ayay shacabka ku hayaan,waxaad arkeysaa gaarigii soo gala degmada inay faraha ku taagayaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Taliyeyaasha iyo Wasiirada gaashaandhigga ee la soo Magacaabo shaqaooyinkooda ugu horreeya ka bilaabaan Xerooyinka ciidan ee ku yaalla Deeyniile.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor