Sawirro:-Jubbaland oo Heshiis dhex dhigtay Beelo ku dagaalamay Jubbada Hoose

Maamulka jubbaland ayaa mudo kadib ku guuleystay inay dib u heshiisiin u sameeyaan laba beelood oo dhowr jeer ku dagaalamay deegaan duleedka ka ah Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa socday kulan lagu heshiisiinayay laabdaasi beelood,iyada oo ugu dambeyn lagu guuleystay in xal buuxa laga gaaro dagaalkii ka dhaxeeyay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish, Wasiirka Cadaaladda, & Arrimaha Diinta Maxamed Sheikh Abuukar Yuusuf Wasiirka Ganacsiga Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan iyo mas’uulioyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa kulanka lagu heshiisiinayay labada beelood.

Gaba gabada shirka ayaa waxaa laga soo saaray go’aano ku saabsanaa in markale beelahaas markale uusan soo laaban dagaalkii horay u dhexmaray.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka dib u heshiisiinta ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor