Dhageyso:-Xiisad ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Gal-gaduud

Wararka saaka idaacada dalsan ay ka helayso deegaano ka tirsan gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagantahay deegaano ka tirsan gobolka Gal-gaduud.

Degamada Balan-bal ee gobolkaas ayaa lagu soo waramayaa in uu ka jiro abaalul dagaal oo lagu eedeynayo maamulka Galmudug,waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in halkaas la geeyay ciidamo lagana cabsi qabo dagaal beeleed ka qarxa halkaas.

Mid ka mid ah nabadoonada ku sugan Balan-bal ayaa u sheegay dalsan in laga cabsi qabo dagaal beeleed abaabulkiisa ay wadaan maamulka Galmudug sida uu hadalka u dhigay isaga oo intaas raaciyay in aan loo dulqaadan karin arrintaas.

Maamulka Gal-mudug wax war ah kama aysan soo saarin eedeymaha ku aadan in ay degmada Balan-bale ay ka wadaan abaabul dagaal iyo in ay geeyeen ciidamo iayaga oo la sheegay in ay uga danleeyihiin dagaal beeleeyo halkaas ka qarxa

Halkan Ka Dhageyso Codka

Comments
Loading...