Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba dhici doonin waligeedna dhicin in sisharcidarro ah lacago ay u bixiso Wasaaradiisa ,isla markaana dad loo siiyey si musuq maasuq ah.
Wasiir Beyle,ayaa hadalkaan sheegay xilli uu ka jawaabayey su’aal laga weeydiiyey waxa ka jira in xildhibaanada golaha Shacabka loo qeybiyey lacago lagu tilmaamey mid aan Sharci aheyn taas oo soo baxday hadalheynteeda bishii Ramadaan.
Xilli uu ka qeyb galayey Barnaamij ka baxayay Tv-ga Qaranka ayuu sheegay Wasiirka Maaliyadda in aysan jirin wax lacago ah oo wasaadaradiisa ay bixisay taas oo lasiiyey xildhibaanada.
“Ma ahan wax qarsoon Maaliyadda dalka,majirto wax aan bixinay mana bixin doono,lacag aan wado sax ah soo marin oo aan jiheysneyn,lana ogeyn qofka xaqa u leh ayuu yiri Wasiirka.
Hadalka ka soo baxay Wasiirka maaliyadda marka laga soo tago,waxaa jiritaanka lacagtaas horey u qirtay 10 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka,kuwaas oo ka qeyb galay Barnaamijka Galka-baarista ee ka baxa Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga,waxayna sheegeen in lacagtaas ay ka timid dhanka DFS,isla markaana midkiiba uu qaatay 5kun oo dollar .
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.