• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 8, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Maqal

Dhageyso Warbixin ka Hadleysa Tobankii Sano ee Ciidamada Burundi iyo Jaamacadda Gaheyr

Bilan Media by Bilan Media
July 11, 2017
in Maqal, Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ciidamada Burundi oo ka mid ah Howlgalka Amisom ee Soomaaliya kuwoodii ugu horeeyey waxa ay Muqdisho soogaaren 13 December 2007 markaas oo Magaalada ay ka socdeen Dagaalo u dhaxeeyey Dowladdii KMG ahayd iyo Mucaaradkii ka hortaagnaa , Saldhiga ugu weyn ee Burundi ay ka dageen Muqdisho waxa uu ahaa Jaamacadda Gaheyr ee Degmada Dharkenleey.

Dhibaatooyinka ay la kulmeen intii ay jaamacada Gahayr daganaayeen.

Burundi intii ay daganaayeen Xarunta Gahayr waxa ay la kulmeen weeraro uga yimid kooxaha Dowladda kasoo horjeeda 8 april 2008-dii  Qarax Xoogan oo ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ay la kulmaan Ciidamada Burundi ayaa Ka dhacay Jaamacadda Gahayr oo Saldhig u ahayd qaraxaas oo Gaari loo adeegsaday  waxaana ku dhintay 13 Askari.

Magaalada Bajan Buura ee Dalka Burundi waxaa isugu soo baxay ehelada askartii ku geeriyootay weerarkaas ka dhacay Saldhiga Jaamacadda Gahayr waxa ayna dowladda Burundi ka codsadeen in ay wiilashooda dib usoo celiyaan  balse dowladdu kama aysan jawaabin.

Sidoo kale waxaa jiray Hoobiyaal iyo miinooyin jidka lagu aasay oo waxyeelo u geystay intii ay xeradan daganaayeen.

Dhibaatada Shacabku ku qabeen.

Saldhigan waxa uu ka mid ahaa meelaha Amisom ay u isticmaasho duqeymaha ay magaalada u geysteen kuwaas oo sababay dhimasha dad badan oo shacab ah, si kaduwan weerarada lala damacsan yahay saldhigoodan waxaa waxyeelo badan kasoo gaartay dhowr jeer dad ku safrayey wadada Maadaama ay dagan yihiin marin muhiim u ah isku xirka Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxyada ka dhaca agagaarkooda kadib waxaa dhacday sidoo kale in rasaas ay furaan ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah kuwaas oo ay ku jireen ardey waxkabaraneyey Jaamacadaha Muqdisho.

Maxaa laga faaiiday Saldhigooda.?

Ciidamada Burundi inta ay ku sugnaayeen Jaamacadda Gahayr waxa ka hirgaliyeen Cisbitaal ay si lacag la’aan ah dadka ugu daweeyaan, waxa ayna adeeg caafimaad siiyeen dad dan yar u badnaa iyaga oo ku guuleystay Qaliimo halis ah oo ay qaarkood u sameeyeen.

Adeegyada dadka ka agdhawaa Saldhigooda ay u qabteen waxaa kale oo ka mid ahaa Koronto bilaash ah oo ay siiyeen qoysas labo kun ka badan oo ku noolaa Xaafadaha ku hareereysan inkasta oo sanadkii ugu dambeeyey ay ka jareen.

Nalal waaweyn ayey ku xireen hareeraraha saldhigooda kuwaas oo sooceliyey bilicda deegaanka maadaama iftiin markii hore uusan ka jirin, iyada oo dadku bilaabeen in ay xittaa habeenkii ku lugeeyaan.

Ugu dambeyn maxaa sababay in ay ka guuraan.

Laga soo bilaabo 2012-kii dowladda Soomaaliya waxa ay waday Dadaalo lagu soo celinayo Jaamacaddii umadda Soomaaliyeed oo ka koobneed 7 qeybood, 2014-kii ayaa si rasmi ah dib loogu furay Jaamacadda Umadda oo si KMG ah u dagtay dhismihii Luuqadaha lagu baran jiray ee dhabarka dambe ee Hotel Shabeele Degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Dr Maxamed Axmed Jimcaale oo Dalsan la hadlay ayaa sheegay in Muhiimad weyn ay u leedahay in Ciidamada Burundi ay ka baxaan qeybtii Gahayr ee Jaamacadda Umadda taasna ay ka caawineyso in ay sii fidiyaan adeegyada waxbarasho ee ay hayaan.

“Muddo ayaan wadnay howshan ugu dambeyna waan ku guuleysanay ayuu yiri Gudoomiye Jimcaale”

Shirka Golaha wasiirada ayaa horey qodobadii uga soo baxay waxaa ka mid ahaa in Ciidamada Milatariga ah looga saaro Magaalada oo la dajiyo meelaha duleedyada ah, meelaha dadka Muqdisho ay baahida u qabaan oo Ciidamadu dagan yihiin waxaa ka mid ah Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

W/D Xasan Maxamed Daahir Waxaana soo jeedineysa Farxiyo Maxamed Xuseen

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2017/07/Warbixin-Jaamacada-Gaheyr-Farxiyo-Muraad.mp3
Previous Post

Dhageyso:-Ganacsigii Baladweyne oo saameeyay joojinta lacagta Shilinka Soomaaliga

Next Post

Dhagayso: Warka Duhur Ee Radio Dalsan

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Next Post

Dhagayso: Warka Duhur Ee Radio Dalsan

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta booqasho dhiirigelin iyo dhiirrigelin qaran ah ku tegay...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Xaaladda degmada Moqokori iyo deegaannada hoos taga ayaa saaka aad u kacsan kadib dagaallo culus oo billowday waaberigii hore ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay kulan rasmi ah...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
  • Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00