Al-Shabaab ayaa weli Gacanta ku haya Shaqaale Samafal oo gaaraya ilaa 7 islamarkaana Shalay ay ka afduubteen deegaanka Deeynuunaay ee duleedka Degmada Bydhabo Xarunta Gobolka Baay.
Shaqaalahaan ayaa u Shqeynayay Hay’ad Samafal oo  lagu Magacaabo Gareda tas oo qaabilsan Gargaarka iyo Caawint dadk dantyar.
Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Wardheere Dooyoow  oo la hadlay Idaacadda Voa,da laanteda fka Soomaaliga ayaa sheegay in  ay arinatas la socdaan islamarkaana aan weli wax xiriir ah laga heynin.
Waxaa la weydiiyay Su’aal ku saabsaneed in ay Al-Shabaab dalbadeen in lasiiyo lacago madax furasho ay ayaa waxa uu sheegay in warkaas uusan soo agarain hadii ay dalbadaanan aysan bixin doonin.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Gobolka Baay