Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegayn in halakasi uu ka furmay Wajigii labad shir lagu heshiisiinayo Beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya waxgaradka  labadii Maleeshiyo beeleed,ee ku dagaalamay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo uu ka mid yahay madaxweyne Ku-Xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Wajiga labaad ee kalankaan ayaa isla maanta la soo gabagabeyn doonaa iyada oo loo gudbi doono Wajiga Saddexaad.
Hoos Ka Dhageyso Wariyaheena cabdi Fitaax Kuwaataro oo faah faahin ka bixinaya.