Beesha Caalamka oo ka hadashay kulankii ay la qaateen Madaxda M/Goboleedyada

Beesha Caalamka  ayaa War kasoo saartay kulankii Maanta dhexmaray isaga iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, kaasi oo ka dhacay hotel ku dhex yaalla Garoonka Aadan Cadde.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay dadaalka wadajirka oo ay wadaan Madaxda dowlad Goboleedyada, si loo helo tanaasul, isla markaana loo gudbo Shirka guud ee Madaxda dowladdab iyo kuwa maamulada.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Shanta Madaxweyne dowlad Goboleed ku boorinayay inay qaataan doorkooda kaga aadan hirgelinta heshiiska doorashada ee 17 September iyo in dalka doorasho lagu mideysan yahay ka dhaco.

“Waxaan ku faraxsanahay in la igu casuumay kulan ay igu wehliyeen saaxiibbada kale ee caalamiga ah si aan wada-hadal ula yeelanno shanta hoggaamiye ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku dooneyso in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay heshiis rasmi ah uga gaaran khilaafka ka taagan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor