Sarakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiaran ayaa afajh faahin ka bixiyay dagaalo culus oo tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ku dhexmaray ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab.
Dagaalka ayaa marka hore ka bialawday deegaanka Bulacle ee duleedka degmada Maxaas,waxa uuna u dhaxeeyay Ciidamo deegaanka ah iyo Al-Shabaab balse ay markii dambe ku soo biireen ciidama dowladda Soomaaliya.
Taliyaha Guutada 10.aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta gobolka Hiiraan Axmed Maxamed maxamuud Tareedisho ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid culus oo khasaaro badan sababay.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalkaas,isla markaana ay dileen 32 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Majiraan wax war ah oo kas oo abxay dhanka Al-Shabaab eek u aadan sheegashada Saraakiisha ciidamada dowladda ee ah in ay dileen 32 ka mid ah Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliye Tareedisho.