Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Madeey Nuur Sheekh Ufurow ayaa sheegay in saddex Xarumood oo ku yaalla Muqdisho ay si KMG ah u degan yihiin iyada oo Maanta Muqdisho laga xusay 53-guuradii ka soo wareegtay markii la-aas’aasay Ciidanka Badda soomaaliya.
Waxa uu sheegay in sababtaas ay tahay in Xrumihii Ciidanka Badda Soomaaliya ay dowladda siisay dowladdi shiisheeye sidaasna ay si KMG ah ay xarumo kale ay ku dageen.
“Runtii anaga Askar ayaa nahay xqiiqidii meeshii naloo amro ayaan tagnaa xataa hadii badda dhexdeeda dega nala dhaho waan degeynaa sidoo kale waxana heysanaa doomo tiro yar oo aan ku filneyn baahideena Xarumihii Ciidankana dowladdo shisheeye ayaa la siiyay ayuu yiri taliyahaâ€
Sikastaba hadalka taliyaha Cidanka Badda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili Maanta oo ku beegneyd xiligii la aas’aasay ciidanka Badda Soomaaliya ay xuskoodii ay ku dhigteyn Dekada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Cidanka Badda Soomaaliya.