Qar ka mid ah wadooyinka ku yaalla Xaafadaha degmooyinka Shibis iyo Boondheere waxaa xalay howlo kormeer ah ku sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga Maamulka Gobolka Banaadir,Xogheyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka Boondheere iyo Shibis ayaa kormeerkaas sameeyay.
Mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay la kulmeen intii ay kormeerka ku jireen Dhalinyarada iyo Ganacsatada degmooyinkaas ku sugan,iyaga oo ka xog-wareystay dhinaca amniga.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga Mamaulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi tuulax ayaa sheegay in kormeerkooda ay ku ogaadeen in degmooyinkii ay booqdeen ee Shibis iyo Boondheere ay ku arkeen inay ahaayeen kuwo amni ah.
Waxa uu sheegay in ay meel walba joogeen Ciidamada amniga,isla markaana ay wadeen howlaha amniga,iyaga oo kaashanaya Shacabka degmooyinkaas.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu waday howlo kormeer ah oo uu ku sameynayay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.