Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo xalay Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay qorshaha dhanka Amniga ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Xarunta Golaha Shacabka,in kastoo uu baaqday kulankii Golaha Shacabka.
Waxa uu sheegay in Ciidamada booliska ay sugi doonaan Amniga Xarunta Golaha Shacabka,isla markana ay xaqiijin doonaan,iyada aysan cidna ku xadgudbin.
“Ciidamadau waxa ay xaqiijin doonaan amniga Golaha iyada oo asyan cid ku xadgudbin majiri doonto cid hub la galeysa xarunta Golaha Shacabka,istaafyada Xildhibaanada iyo gudoonka meel gaar ah ayaa loo diyaariyey oo ay ku harayaan xildhibaannadana waxaa laga doonayaa in inta aan faraha lala gelin iyagu is jeegareeyaan ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Roobleâ€
Waxa uu sheegay in cidna aan si gooni ah loo beegsan doonin qof walbana alaga doonayo in ciidamada booliska ay la Shaqeeyaan.
Xalay ayaa Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad shir jaraa’id uu qabtay waxa uu sheegay in ay ciidamamo Xukuumadda ka socda ay la wareegeen Xarunta Golaha Shacabka,isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu waxka ogyahay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.