Taliska Booliiska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgallo ay wadaan Xaafadaha degmadaas kadib weerar ka dhacay degmadaas
Taliyaha Ciidamada Booliiska Afgooye Cabdirisaaq Aadan oo sigaar ah ula hadlay Warqabadka Radio Dalsan ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in weerarkii ay Al-Shabaab ku soo qaadeen degmada ay iska difaacen.
Waxa uu sheegay in raggii weerarka ku soo qaaday ay khasaaro farabadan u geesteen balse aysan cadeyn Karin baaxada uu leeyahay khasaarahaas.
Ugu dambeyn waxa uu Wareysigiisa ku sheegay in ay haatan ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas oo xogtooda la helay sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha