Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa uu ka hadlay fatahaada Wabiga Shabeelle oo saameyn weyn ku yeeshay dadkii ku noolaa Magaalada Baladweyne.
Sheekh Shaakir oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda Galmudug ay la xanuumsanayaan shacabka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne, kuwaasi oo uu saameeyay fatahaada Wabiga.
Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay fatahaada, isagoona Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo, sidoo kalena kuwii ku hanti waayay Alle uu siiyo bedel kheyr qaba.
Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay inay Magacaabeen Guddiga kahor taga musiibooyinka fatahaada Wabiga Shabeelle, kuwaasi oo ka kooban xubno ka tirsan Galmudug, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo sameynayo dadka ku dhibaateysan Baladweyne iyo duleedkeeda.
Hoos ka Dhageyso Codka Sheekh Shaakir.