Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay waxyaabaha maanka dooriya oo uu sheegay in lagu beero qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
waxa uu sheegay Cali Wajiis in daroogo lagu beero Webiga jiinkiisa,isla markaana ay ka baxeyso darooga noocyadiida kala duwan,kuwaasi inta la qalajiyo dalka laga dhoofiyo.
Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in dekadaha dalka mar walba la isku dayo in laga soo dajiyo daroogada oo markii la qabto la gubo,isagoona tilmaamay in Goobo Ganacsi oo lagu iibiyo inay ka jiraan Magalada Muqdisho.
“Maamulka gobolka Banaadir waxaa laga rabaa in si gaar ah uu baarto in si caadi ah goobaha dhamaan loogu gado maanta waxyaabaha daraagiska,ma ahan kaliya taabuuga ee dhamaan waxkasto oo daraagiska ah ayey si caadi ah islaamanka iyo wiilasha u gadanayaan”ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed .
Hadalkaan ayaa Sheekh Cali Wajiis waxa uu Maanta ka sheegay kulan dadka looga wacyigelinayey Taabuuga kaas oo lagu qabtay Magalada Muqdisho.