Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo kamid ah la-taliyeyaasha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa waxaa uu ka hadlay Go’aankii dowladda Soomaaliya ee amarka ugu soo rogtay diyaaradaha tageya Magaalada Kismaayo iyo kuwa ka yimaada inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho si loo hubiyo.
Salaad Cali Jeelle oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay dowladda Go’aankaas u soo saartay uu yahay mid ay ku dooneyso inay uga hortegto in ay dhacaan qalalaaso siysaadeed iyo mid amni.
Waxaa uu sheegay Salaad Cali Jeelle in dowladda ay xaq u leedahay ilaalinta nabad galyada iyo sugida amniga,isla markaana waxaa tilmaamay in shacabka soomaaliyeed ogaan in dowladda ay awood u leedahay inay maareyso waxkasto.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay Siyaasiga in dowladda haatan jirta laga rabo in dalka ay gaarsiiso Doorasho qof iyo Cod ah ah,isagoona xusay in dowladda ku socota wadadii ay arrimahaas ku gaari laheyd.
Ugu dambeyntii Siyaasi Salaad Cali Jeell ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in dowladda Federaalka loo Cagajugleyo,isla markaana lagula hadlo waxyaabo aan wanaagsaneyn,waana sida uu hadalka u dhigay.
Hoos ka Dhageyso Codka Salaad Cali Jeelle.