War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa waxaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed maxamed Islaam Axmed Madoobe oo lagu waday inay dhacdo Maalinta berri ah.
Warka ka soo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in sababta dib loogu dhigay Xaflada Caleemo-saarka ay tahay,kadib markii si sharci darro ah dowladda Soomaaliya u hor-istaagtay Wafduudii ka qeyb geli laheyd Xaflada Caleemo-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.
Wafduuda ka qeyb geli laheyd Xafladaas ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya,Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo marti sharaf kale.
Ugu dambeyntii dowlad Goboleedka Jubbaland ma shaacin waqtiga rasmi ah ay dhaceyso Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Jubbaland