Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Taliyaasha Ciidamada

Ra’iisul-Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan manta la qaatay taliyaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada xogga dalka waxaana uu ka xog wareystay qorshaha la dagaalanka Alshabaab iyo sida ay Saraakiisha ciidanku ula jaanqaadi karaan qorshayaasha xukuumadda.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka gaashaandhiga Wasiir dowlaha wasaaradda gaashaandhiga taliyaha ciidanka xoogga Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale,intii uu socday kulan ayaa lagu soo hadl qaaday sida ciidamada Soomaaliya ay AMISOM ugala wareegi karaan aagagga hore ee dagaalka marka ay ka baxaan dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga  Xasan Cali Maxamed(Amar dambe) ayaa sheegay in Saraakiisha la baray sidii ay ula falgeli lahaayeen qorshayaasha la dejiyay ee tubaha Siyaasadda.

Halkaa Ka Dhageyso Codka Wasiirka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media