Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda fedraalka Soomaaliya oo ku soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay wixii ka soobaxay Shirkii Shidaalka Soomaaliya ee ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska,waxaana uu sheegay in ay guulo ka soo hoysay dowladda Soomaaliya oo soo bandhigeysay kheyraadka dihan eek u jira dalkeeda.
Waxa uu sheegay Wasiirku shirka in ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socday dowladda ururada Bulshada rayidka xubno ka socday rugta ganacsiga iyo aqoonyahano si khaas ah u daneynayay macluumaadka la xiriiray sahanka lagu sameeyay goobaha laga heli karo Shidaalka.
Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa shaaciyay in Shirkadaha sameeya maalgashiyada in ay ku qanceen xogta laga soo uruuriyay sahanka Shidaalka oo sida uu sheegay laga sameeyay laga bilaabo Galmudug ila iyo Jubbaland.
Halkaan Ka Dhageyso Codka Wasiirka Batroolka