Maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa galabta ay soo bandhigeen Afar ruux oo lagu eedeeyay inay siwadajir ah kufsi ugu geysteen Gabar ku nool degmadaas
Maamulka degmada Guriceel ayaa waxa ay sheegeen in dhacadada Gabadha lagu kufsaday ay usoo qabteen Afar rag ah,isla markaana ay aheyd dhacdo aad looga naxay.
Guddoomiyaha degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cabdullaahi Maxamed Barre ayaa sheegay in raggaas afarta ah ay haatan ku jiraan Saldhiga booliska degmada Guriceel,isla markaana Galabta ay halkaasi kusoo bandhigeen.
Wareysi uu siiyay Radio Dalsan ayuu sheegay in waalidiinta dhalay Gabadha kufsiga loo geystay ay goobta lagu soo bandhigayay raga kusiga lagu eedeeyay ay ku sugnaayeen,isla markaana ay dalbadeen in cadaalada lahor-keeno.
Baaritaano ayuu sheegay inay ku socdaan Afarta eedeysane,isla markaana ay ka mid yihiin dadka ku nool degmada guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug,dhawaana ay maxkamada saari doonaan.
Dhawaan markii degmada Guriceel uu ka dhacay falkaasi kufsiga ah ayaa waxaa aad looga hadal haayay guud ahaan Soomaaliya iyo waliba baraha Bulshada,waxaana xusid mudan in Maanta banaanbax looga soo horjeedo uu ka dhacay Magalada Dhuusamareeb.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha degmada Guriceel kana daawo Sawirrada.