Maxkamadda Makadara Law Courts ee magaalladda Nairobi waxay ku gacan-sayrtay in Baasaboorkiisa la siiyo Muwaadin Somali-Maraykan lagu magacaabo Jamaal Maxamed, kaasi oo loo haysto inuu Siyaasi Reer Wajeer oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed horey ugu feeray Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi sannadkii 2017-kii.
Jamaal Maxamed oo shalay la soo taagay Maxkamadda Makadara waxa uu codsaday in la siiyo Baasaboorkiisa, maadaama aan loo oggolayin inuu Aqoonsi la’aan ku dhex socdaalo Nairobi oo beryahan aad loo adkeeyey.
“Waxaan ka codsanayaa Maxkamadda inay sii daayaan Baasaboorkayga, sababo dhinaca Ammaanka ee daqiiqadan ka jirta dalka Kenya” ayuu yiri Eedeysanahaasi oo Codsigiisa u sii mariyey Qareenkiisa oo lagu magacaabo C/raxmaan Warsame.
Dhinaca kale, Garsoore Eunice Kimaiyo oo ka tirsan Maxkamadda Makadara waxa uu ka gaabsaday Codsigaasi, iyadoo Eedeysanaha horey looga qaaday Baasaboorkiisa, kadib, markii ay Dacwad-oogayaasha ka digeen inay suurto-gal tahay inuu si qarsoodi ah uga dhoofo Kenya.
Bilowgii dacwadda loo haysto ayaa waxaa shuruud looga dhigay inuu Baasaboorka ku soo wareejiyo Maxkamadda, si Damiin loogu sii daaayo.
Dhinaca kale, Siyaasiga Dhibanaha ee Xuseen Maxamed ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo khatar oo laga yaabo inuu ku naafoobo, sida lagu sheegay Warbixin Dhakhtar.
Siyaasigaasi waxaa ay dhawaacyadu soo gaareen, kadib, markii uu Jamaal Maxamed u gacan-qaaday xilli uu labadooda muran soo dhex galay bishii September ee sannadkii 2017-kii.